Halista soo wajahdey jadwalka coddeynta soo aadan oo sii cuslaatay

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda Xasaradaha Aduunka – International Crisis Group – ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka dib-dhaceyso jadwalkii ahayd in lagu qabto doorashooyinka baarlamaanka 10aad iyo madaxtinimadda.

Kooxdan fadhigeedu yahay Brussels oo caddeysay in geedi u socodka ay khatar geliyeen is-faham-waaga iyo in uusan jirin nidaam lagula tacaalo muranka natiijada coddeynta horaanta 2020 iyo dhamaadka 2021.

Wallow doodaas ay kal hore ka hor-yimaadeen xisbiyadda mucaarada, muddo kororsi bilooyin ah ayay ku talisay si looga fogaado khal-khal siyaasadeed.

Qorshaha waa in doorashadda dhacdo Febraayo, balse waxaa is-qabqabsi ka taagan yahay guddiyadii maamuli lahaa oo xisbiyada mucaaradka sheegeen in badi xubnaha ku jira ay yihiin saraakiil sirdoon iyo shaqaale.

Murashaxiita oo qoraal wadajir ah soo saarey ayaa xusay in tani ay meesha ka saareyso dhexdhexaadnimada iyo kalsoonida lagu qabi karo guddiyadda iyagoo ku adkeystay in aysan aqbali karin doorasho loo qaabeeyay boob.

Sidda uu xeerinayo heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda iyo maamulada, doorashada 2020-21 ayaa ka dhaceysa laba magaalo waxaana kursigii ama halkii Xildhibaan soo dooranaya ergo ay wadartoodu gaareyso 101.

Wadarta guud ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya waa 334 kuwaasoo 275 kamid ah ay yihiin Aqalka Hoose, halka 59 yihiin Aqalka Sarre.

Jadwalkii doorasho ee hogaamiyeyaasha maamuladda iyo dowladda isku raaceen 1-dii October wuxuu xeerinayey in xulista Xildhibaanadda bilaabaneyso 1-da November iyo in guddiyada lasoo dhiso 10 illaa 20 bisha October.

Wallow guddiyadda lagu soo magacaabay waqti ka dambeeya goortii lagu ballamay, haddana waxaa la degay is-qabqabsiga haatan taagan taasoo meesha ka saaray balantii ahayd in Xildhibaanada la doorto 1-da November.

Xilli xalka uu ku jiro wadahadal dhab ah oo madaxda ka yeelato xaaladan soo korortay, haddana hadii talaabadaas u dhaqaaqi waayaa waxay xoojineysaa khatarta in uu xilligiisa ku fulo jadwalka taasoo dib-u-dhac keeneysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM