Halkee laga leeyahay diyaaradii ka dagtey Kismaayo?

Image

KISMAAYO - Kadib markii maalintii shalay diyaarad sida Maxaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka dagtey magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ah Jubaland ayaa waxaa warar kala duwan ka soo baxayaan cida iska leh diyaardaan.

Diyaaradaan, oo sida la sheegey aan fasax ka haysan laanta hawada Soomaaliya taasoo maamulkeedu hoos yimaado Dowlada Federaalka ah ayaa maamulka Jubaland xusey iney soo iibsadeen kadib markii cunaqabteyn xaga cirka ay saartey Villa Soomaaliya.

Dowlada Federaalka oo aan weli wax war ah ka soo saarin in diyaardaas ay ku soo xadgudubtey hawada dalka Soomaaliya iyo in kale ayaa lahaanshaheeda xogaha ka duwan kuwa Jubaland sheegtey waxay tibaaxayaan iney ka diwaan gashan tahay shirkad fadhigeedu yahay dalka Kenya.

Xogahaan ayaa sheegaya in shirkada diyaaradaan oo numberkeeda yahay Reg No. 5y JXJ ka diwaan gashaneyd shirkad la yiraahdo Skyward Express balse hadda ku jirin gadiidka cirka ee magaceeda ku duula.

Dhinaca kale warar kale ayaa xusaya in diyaaradaan numberkeeda lagu sheegey Reg No. 5y JXJ ka diwaan gashan tahay Juba Airways.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhamaan shirkadahaas iyo Dowlada Federaalka marka laga reebo sheegashada maamulka Jubaland ee ah iney soo iibsadeen diyaaradaan.

Cunaqabateynta dhinaca diyaardaha ay dowlada Federaalka saartey Jubaland ayaa waxaa cambaareeyey maamulka Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, xisbiyada mucaaradka ah iyo siyaasiyiin kale.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM