​Hanti-dhowraha Somalia "Doorashada socota way ka fogtahay Xalaasha"

Image

MUQDISHU, Somalia- Hanti-dhowraha Guud ee Somalia, Dr Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in doorashada waddanka ka socota ay hareeyeen ficillo musuqmaasuq ah oo ay ka mid yihiin; codadka oo la kala iibsanayo, ku takri-fal awoodeed iyo cabsigelin.

Waraysi uu siiyay Laanta Afka Somalia ee VOA, ayuu ku sheegay inay diiwaangaliyeen ilaa 6 kursi oo xildhibaanadii helay ugu soo baxeen qaab aan sharci ahayn, isagoo intaas ku daray inay soo gaareen cabashooyin badan oo ku aadan habsami u socodka doorashada dadban.

Mudane Jimcaale, ayaa xusay in khaladaadku badanyahay islamarkaana jiraan meelaha qaybtood in gacan taag lagu codeeyay, halkii looga baahnaa in qarsoodi loo dhiibto codka ama Sanduuq, wuxuuna intaas ku daray inay jiraan shakhsiyaad kusoo baxay doorashada oo hoolka la tagay ruux gacan yare u ah oo la sameeya jilliin doorasho, taasina ay tahay wax aan la aqbali karin.

Hanti dhowraha ayaa intaas ku daray inay jirto sicir barar xoog leh oo doorashada laga dhaxlay isagoo soo hadal qaaday dhacdooyin ka dhacay Cadaado iyo Jowhar, kuwaasoo uu xusay in kursiga lagu kala iibsaday lacaga kabadan 1 Malyan oo doollar.

Mudane Jimcaale, ayaa tilmaamay in doorashada dalka ka dhacaysa ka fog tahay Xalaasha, wuxuuna sheegay inuu baaritaan ku samayno dhinaca ay ka khusayso ee dhaqaalaha.

Wuxuu xusay inay jirto ku tagri fal awoodeed oo ay samaynayaan shakhsiyaadka ku jira dowladda waqtigeedu dhammaaday, isagoo intaas ku daray inay dhacday in hoolka doorashada loo diido qof xaq u lahaa inuu tartamo, halka kuwo kale lagu cabsi galiyay inay ka haraan doorashada.

Hadalka Hanti-dhowraha ayaa yimid, xilli madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamud farogalin ballaaran ku hayo doorashada dalka kasocota gaar ahaan Aqalka hoose, waxaana codayntii dhacday todobaadkii hore kusoo baxay shakhsiyaad kamid ah xulafadiisa siyaasadda.

Arrimaha taagan ma jirto wax tallaabo ah oo ay ka qaateen guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia, kuwaasoo horay usoo xulay Xasan Sheekh Maxamud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM