Hanti Dhowraha Somalia oo ku gacan sayray Xilka qaadista lagu sameeyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Somalia, Dr. Nuur Faarax Jimcaale, aya ku gacan sayray xilka qaadis ay maanta ku sameeyeen golah wasiirrada Dowladda Federaalka Somalia.

Isagoo arrintaas ka hadlayay, ayuu mudane Nuur sheegay inuusan u hogaansami doonin, maadama ay sharci darro qaabka xilka looga qaaday.

Wuxuu ku dooday in Barlamanka kaliya ay xasaanadda ka qaadi karaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Habka Golaha Wasiirada u mareen xil ka qaadista waa mid sharci darro ah, xil igama qaadi karaan, baarlamaanka ayaa iga qaadi kara,” Ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Hanti Dhowraha ayaa lagu haystaa dhowr qodob oo la xariira dilkii loo gaystay Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Somalia, sidoo kalena ahaa Xubin kamid ah Aqalka hoose ee Barlamanka.

Golaha wasiirrada ayaa xil ka qaadistiisa u adeegsaday qodobo ay kamid tahay inuu ka hordhacay baaritaanka dhacadadan oo ku tilmaamay shil, halka uusan u gurman wasiirka dilkiisa kadib.

Barlamanka Somalia, ayaa ku maqan fasax maadama uu xiranyahay Kalfadhigooda, waxayna soo laaban doonaan bisha Julay, arrintaas ayaana laga yaaba inay keento jaah wareer siyaasadeed.

Wali waxaa socda baaritaan ku aadan qaabka uu u dhintay Wasiir Cabbaas, waxaana la xiray askartii dilka ka dambaysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM