Hanti Dhowraha Somalia oo ku gacan sayray Xilka qaadista lagu sameeyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Somalia, Dr. Nuur Faarax Jimcaale, aya ku gacan sayray xilka qaadis ay maanta ku sameeyeen golah wasiirrada Dowladda Federaalka Somalia.

Isagoo arrintaas ka hadlayay, ayuu mudane Nuur sheegay inuusan u hogaansami doonin, maadama ay sharci darro qaabka xilka looga qaaday.

Wuxuu ku dooday in Barlamanka kaliya ay xasaanadda ka qaadi karaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Habka Golaha Wasiirada u mareen xil ka qaadista waa mid sharci darro ah, xil igama qaadi karaan, baarlamaanka ayaa iga qaadi kara,” Ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Hanti Dhowraha ayaa lagu haystaa dhowr qodob oo la xariira dilkii loo gaystay Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Somalia, sidoo kalena ahaa Xubin kamid ah Aqalka hoose ee Barlamanka.

Golaha wasiirrada ayaa xil ka qaadistiisa u adeegsaday qodobo ay kamid tahay inuu ka hordhacay baaritaanka dhacadadan oo ku tilmaamay shil, halka uusan u gurman wasiirka dilkiisa kadib.

Barlamanka Somalia, ayaa ku maqan fasax maadama uu xiranyahay Kalfadhigooda, waxayna soo laaban doonaan bisha Julay, arrintaas ayaana laga yaaba inay keento jaah wareer siyaasadeed.

Wali waxaa socda baaritaan ku aadan qaabka uu u dhintay Wasiir Cabbaas, waxaana la xiray askartii dilka ka dambaysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM