Hanti dhowrka oo hor-tagey Gollaha Shacabka iyo dhaliilo loo jeediyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fadhiga 12aad ee Kalfadhiga 4aad ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor-tagay Hanti-dhowrka qaranka, Maxamed Maxamuud Cali [Afgooye].

Kulanka oo ay soo xaadireen 152 mudane, kaasi oo uu shir gudoomiyey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad, Mahad Cabdala Cawad ayaa Ajandaha wuxuu ahaa ka doodista xeerka uu ku dhisan yahay Hanti-dhowrka.

Xeerka oo uu lamberkiisu yahay 34, kaasi oo soo baxay 14/04/1972, ayey Mudanayaasha ka yeesheen dood kulul, xili gabadda loo saarey Guddi la sheegay inay kasoo talo bixin doonan dib u eegis lagu sameeyo.

Xilldhibaano kala duwan oo kulanka ka jeedisay khudbaddo ay ku cabirayaan fekerooda ku aadan xeerkani waxay soo hadal-qaadeen arrimo ka jira xafiiska Hanti dhowrka oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

Qodobadda ay dul-istaageen Xilldhibaanadda waxaa kamid ah is-bar-bar-yaac dhanka shaqadda ah, xili ay ku tartar-siiyeen Hanti dhowre Afgooye inuu arrimahaasi ka shaqeeyo sidii uga soo afjari.

Maxamed Maxamuud Cali [Afgooye], Hanti dhowraha Soomaaliya, kaasi oo xilkaan loo magacaabay bishii Agoosto ee sanadkii hore ayaa lagu eedeeyay in xafiiskiisa ay faragelin ku hayso xukuumadda.

Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa shaqadiisu waxay tahay dabagal uu ku sameeyo kiisaska ku saabsan musuq-maasuqa, taasi oo mudooyinkii dambe xukuumaddu kordhhisay wallow lagu dhaliilay qaabka loo marayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM