Hantidhowraha qaranka oo baabi'iyey qandaraas buuq dhaliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska hantidhowraha guud ee Soomaaliya ayaa amray wasiirka warfaafinta xukuumada xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe in uu 72-saac gudahooda ku baabi'iyey qandaraas uu bixiyey.

Qandaraaskaas oo buuq badan dhaliyey ayaa ah mid uu wasiirka shirkad gaar loo leeyahay ku siiyey dhul dan guud ah kaasoo qeyb ka ah masraxa qaranka ama golaha murtida iyo madadaaladda.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska hanti-dhowraha qaranka, heshiiskaas waa mid sharci darro ah waxaana mamnuuc ah in la bixiyo dhul-dan-guud isaga oo uga digay Dubbe talaabo noocaan oo kale ah.

Dhulka lagu wareejiyay shirkadda oo ku yaala qeybta ee Tiyaatarka ayaa ah goobta loogu talagalay fanka iyo dhaqanka waxayna leedahay xafiisyo iyo hoolal ay kooxaha isku tijaabiyaan kahor bandhiga rasmiga ah.

Abwaan Cabdikariim Faarax Qaarey [Jiir], agaasime ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa "sharci darro iyo hanti boob abaabulan" wuxuu ku tilmaamay falka wasiir Dubbe.

Bishii Janaayo, 2018-kii, madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mamnuucay hibeynta, wareejinta iyo kireynta dhamaan dhulalka danta guud ah.

Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashada Abwaanada ee ku saabsan in dhulka si toos ah loo bixiyey. Isku-dayo mas'uuliyinta la eedeeyay wax uga waydiin lahaa ma aysan guuleysan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad kala guur ah. Waqtiyadan oo kale waxaa aad caan u ah in ay dhacaan ku takrifal awoodeed. Mas'uuliyiinta waqtigu ka dhacay waxay isku dayaan in ay xasaanada ku kalluumeystaan.

Hoos ka akhriso warqada hantidhowrka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Washington Post oo Warbixin Ka Qortey Dagaalka Puntland Kula Jirto Daacish

Puntland oo Keligeed La Dagaallamaya Xagjiriinta Iyadoo Aan Taageero Ka Helin Caalamka iyo dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    13-02-2025

  • 07:38AM

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixday Heshiisyo Iskaashi

Heshiisyada la saxiixay ayaa diiradda saaraya waxbarashada, tamarta…

  • Soomaliya

    12-02-2025

  • 05:21PM