Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya
MUQDISHO — Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa beeniyay in uu soo saaray warbixin ku saabsan xogta iyo eedeymaha la xiriira Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ee maalmahan lagu faafiyay baraha bulshada iyo internet-ka.
Xafiiska ayaa sheegay in wararkaasi aysan ahayn warbixin uu si rasmi ah u soo saaray ama u daabacay Hantidhowrka Guud, isagoo caddeeyay in xogta la faafinayo aan loo nisbayn karin Xafiiska Hantidhowrka.
Bayaankan ayaa yimid kaddib markii warbaahinta Garowe Online ay qortay warbixin ku saabsan eedeymo musuqmaasuq iyo farqi lacageed oo lagu sheegay in uu gaarayo $3.27 milyan, kuwaas oo lala xiriiriyay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa ugu baaqay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed in xog kasta oo ku saabsan warbixinnada hanti-dhowrka laga hubiyo kanaallada rasmiga ah ee Xafiiska ka hor inta aan la baahin ama dib loo faafin.
Xafiisku wuxuu sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay in laga fogaado faafinta xog aan la xaqiijin iyo warar si khaldan loogu nisbeeyo hay’adaha dowladda.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq, waxaana kamid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo uu sheegay inay baal-martay habraaca shaqaalaha iyo diblumaasiyiinta.
Eedeymaha ugu waaweyn ee warbixintaas lagu xusay waxaa ka mid ah In Wasaaraddu ay dibadda u dirtay 14 diblomaasi iyada oo aan si buuxda loo raacin shuruudihii looga baahnaa. 19 shaqaale ayaa loo diray shaqooyin diblumaasiyadeed iyaga oo aysan qaadan ama marin tababarkii looga baahnaa kahor inta aan la dirin, sida ku xusan warbixinta.

GAROWE ONLINE