Ciidamada Soomaaliya oo gobolka Gedo ku fashiliyay is-miidaamin

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya – Ciidamada ammaanka ayaa shaaciyey in ay magaaladda Baardheere ku toogteen qof dumar ah oo isku soo xirtay walxo qarxa, maanta oo Khamiis ah.

Mas'uuliyiinta xarunta gobolka Gedo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in haweenaydaasi ay damac-saneyd in ay beegsato saldhiga booliska oo xiligaasi mashquul ahaa.

Warbixinadda ayaa intaasi ku daraya in haweenayda ay daqiiqado kahor kasoo degtay gaari caasi ah, ayna wadatay cunug, wallow warar is-khilaafsan ay kasoo baxaayan halkay ka timid.

Maxamed Cismaan Yarow, taliyaha bileyska Baardheere oo dhacdadan u xaqiijiyey mareega GO ayaa tibaaxay in ay baaritaano ku bilaabeen shaqsiyada haweenayda iyo halka ay ka timid.

"Markii ay gaariga kasoo degtay durba dhanka saldhiga ayey soo aaday iyadda oo bambo kusoo tuurtay," ayuu yiri Yarow oo intaasi raaciyey "Askari heegan ku jiray ayaa toogasho ku dilay".

Taliyaha ayaa intaasi raaciyey in hal askari uu ku dhaawacmay qaraxa. Balse warar kale oo soo baxaya waxay soo jeedinaya in ay waxyeelo soo gaareen laba askari oo goobta ka akdhoweyd.

Yarow ayaa si horudhac ah wuxuu u beeniyay in haweenayda oo uusan magaceeda soo bandhigin ay ka timid dhanka Baydhabo, xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

"Taasi kama horudhici karo. Balse, illaa iyo haatan warkaasi waa mid sal iyo baar aanan lahayn," ayuu taliyaha yiri isaga oo khadka telefoonka kula hadlaya xafiiska wararka Garowe Online ee Muqdisho.

Macluumaadyo kala duwan oo laga helay laamaha amniga ee baaritaanka ku guda jira ayaa daaha ka rogaya in qaraxa laga helay qaybo kamid ah jirkeeda.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo qaraxii xarunta gobolka Banaadir ee 24-ka bishii hore e July 2019 la sheegay in ay fulisay haweenay araga la', taasi oo shaqaalaha dowladda hoose kamid ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM