Kenya oo xukun ku riday haweenay Soomaali ah oo laba dambi loo haysto

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa Jimcadii haweenay Soomaali ah ugu ganaaxday Shan Milyan oo lacagta dalkaasi ah una dhiganta 49-kun oo dollar in ay qaab sharci daro ah ku gashay wadankaasi.

Muna Xuseen ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in ay si qaanuunka baalmarsan ku deganeed wadankaasi iyo in ay dooneysay in ay ku safarto baasaboor la sheegay in uu been abuur yahay.

Garsooraha maxkamada ayaa dhageystay in Muna lagu qabatay 15-kii Maaj garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta xili ay isku dayeysay in ay ugu socdaasho Belgium iyadoo adeegsaneysa baasaboor Czech oo been abuur ah.

Xeer-beegtada ayaa intaasi ku dartay in mas'uuliyiinta wadanka Czech ay kusoo war-geliyeen laanta socdaalka Kenya in baasaboorka muwaadinkaasi Soomaaliyeed uu yahay mid bug ah.

Muna oo aanan lasoo bandhigin da’deeda, oo la sheegay in ay qiratay dambiga lagu soo eedeeyay, ayaa waji doonta 38 bilood oo xabsi ah hadii aysan bixin lacagtaasi ganaax ah ee garka loo geliyay.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, Muna oo kasoo muuqatay maxkamada ayaa sheegtay in ay dooneyso in laga qafiifiyo xukunkaasi, ayna ku dooday in uu yahay qaladkii ugu horeeyay oo ay gashay.

Dhanka kale, maxkamadda ayaa sii daysay Abukar Zuherya oo lagu xukumay isla qiimahaasi lacageed oo ganaax ah markii ay ku waysay wax dambi oo ku aadan in uu Kenya ku joogay sharci daro uuna adeegsaday baasaboor been abuur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM