Hawlgal dad lagu soo qabqabtey oo Muqdisho laga sameeyey

Image

June 11, 2015 (GO)- Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka ayaa maanta howgal ka sameeyey qaar kamid ah degmooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Hawlgalkan oo lagu soo qabqabtey tobannaan qof oo dhallinyaro u badnaa waxaa laga sameeyey degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley.

Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Cismaan ayaa sheegay in ujeedada hawlgalkan laga leeyahay ay tahay sidii ammaanka loo sugi lahaa islamarkaana gacanta loogu soo dhigi lahaa xubno ka tirsan Al-shabaab oo degmooyinkaas ku dhuumaaleysta.

Maalmo kahor waxay ciidamada dowladdu hawlgal midkan oo kale ah ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM