Hawlgal dad lagu soo qabqabtey oo Muqdisho laga sameeyey

Image

June 11, 2015 (GO)- Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka ayaa maanta howgal ka sameeyey qaar kamid ah degmooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Hawlgalkan oo lagu soo qabqabtey tobannaan qof oo dhallinyaro u badnaa waxaa laga sameeyey degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley.

Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Cismaan ayaa sheegay in ujeedada hawlgalkan laga leeyahay ay tahay sidii ammaanka loo sugi lahaa islamarkaana gacanta loogu soo dhigi lahaa xubno ka tirsan Al-shabaab oo degmooyinkaas ku dhuumaaleysta.

Maalmo kahor waxay ciidamada dowladdu hawlgal midkan oo kale ah ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM