Hay'adaha ku howlan Dastuurka oo la kala shaandheynayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekah Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay inuu la xisaabtami doono wixii hadda ka dambeeyay hay'adaha ku howlan dib u eegsta Dastuurka.

Mursal ayaa hadalka ka sheegay Kulan uu gudiga joogatada Baarlamaanka la yeeshay gudiga dib u eegista iyo la socodka hergelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo gudiga madaxa banaan ee dastuurk qaranka Soomaaliya.

Gudoomiyaha gollaha shacabka oo warbixino ku saabsan hanaanka dib u eegista dastuurka qabyo qoraalka ah ka dhageystay, ayaa sheegay in lakala shaandheyn doono dhamaan hay'adaha ka shaqeynaya arrimaha dastuurka, Soomaalia iyo ajnabi intaba.

"Waxaan soo kala caddeyn doonaa cid kasta oo dastuurka sheeganaysa inay ka shaqeyaan, inaan soo Liis-gareynayo, aan soo caddeyno waxay qabanayaana, waxaan filayaa in aan la isku dhuuman doonin wixii hadda ka dambeeya," ayuu yiri Mursal.

Waxa kaloo uu daboolka ka qaadey gudoomiye Mursal in sidoo kale ay la xisaabtami doonaan Wasaaradda arrimaha Dastuurka, oo ah midda mas'uulka ka ah dib u eegista iyo in qabyada laga saaro dastuurka hadda ay ku shaqeyso dowladda Federaalka.

Waxa uu gudoomiyaha gollaha shacabka uu carabka ku dhuftay in ay ka shaqeyn doonaan sidoo loo dhameystiri lahaa gudiga madaxa banaan ee dastuurka, oo lagu soo dari doono xubnaha ka socda maamul goboleedyada dalka.

Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inuu yahay midka u qaabilsan, ee uu dalka yeesho, iyadoo ay ku baxday dhaqale fara badan iyo waqti dheer, iyadoo taasi u dheertahay in sidoo loogu tala-galay loo isticmaalin lacagta loogu tala-galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM