Haysom oo ka warbixiyey qorshahiisa ku wajahan Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga cusub ee Qaramadda Midoobay uqaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom, kaasi oo 1-dii bishaan xilka la wareegay ayaa sheegay in ajandaha ugu wayn ee uu diiradda saari doono ay noqon dooneyso doorashooyinka dalka kusoo wajahan 2020-ka.

Doorashooyinka dalka ka qabsoomaya sanadkaan ayaa la filayaa inay noqdaan hal qof iyo hal cod, taasi oo ay ku baratami doonan xisbiyadda siyaasadda ee dalka ka jira, kuwaasi oo matalaad ku yeelan doono labada Golle ee sharci-dejinta.

Haysom oo wareysi siiyey wargeyska Daily Maverick ayaa aanan meesha ka saarin in sidoo kale uu ka shaqayn doono arrimaha siyaasadda iyo sidii dalka ay uga hir-geli lahayd dowlad wanaag oo kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee qaranimadda.

Danjiraha ayaa qiray in amniga uu kamid yahay caqadabaha ugu waawayn ee horyaala dowladda hadda jirta, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo joogitaan culus ku leh magaalooyinka waa wayn ee dalkaan Geeska Afrika ku yaala.

Diblumaasigaan u dhashay Koonfur Afrika, kaasi oo waayo-arag u ah dhinacyadda dimuqraariyadda iyo Sharciga ayaa la babardhiga xaaladda Soomaaliya midda dalalka Suudaanta Koonfureed iyo Sudan, taasi oo uu Safiir uga ahaa UN-ka kahor imaan-shiyahiisa dalka.

"Latacaalida, inaga oo si qoto dheer wax ugeeganaya, siyaasadaha iska horjeeda ee fekerka ku saleysan, amniga, doorashooyinka iyo arrimaha dowlad wanaaga iyo waxa ku xeeran, ayaa kamid ah qaabka aan dooneyno inaan Soomaaliya uga dhigno meel nabdoon," ayuu yiri Haysom.

Danjire Haysom ayaa nan iska indha tirin sida loogu baahan yahay inay Soomaaliya yeelato Dastuur aanan qabyo ahayn, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhameystiro kahor doorashooyinka, taasi oo bud-dhig u ah inay noqoto xor iyo xalaal.

Tan iyo markii Soomaaliya uu ka qarxay dagaal Sokeeye 1991-dii, Ururka Qaramadda Midoobay ayaa gacanta ku haya dowladnimada Soomaaliya, oo soo martay heerar kala duwan, xili ay ku tiirsan tahay kaalmo ay ka hesho saaxiibadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM