Haysom oo tooshka ku ifiyay Musuq-maasuqa iyo sida loo ciribtiri karo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu baaqey dowladda Federaalka in ay xoojiso ku dhaqanka sharciga si loola dagaalamo musuqmaasuqa dalka la degay.

Nicholas Haysom, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada in la dhiso hay'ado ku shaqeeya isla-xisaabtan iyo hufanaan, taasoo ka caawinaysa Soomaaliya inay ka baxdo liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan.

"Musuqmaasuqa iyo isla xisaabtan la'aanta waxay caqabad ku yihiin horumarka iyo xasilloonida," ayuu Haysom ku sheegay hadal uu ugu tala-galay Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa.

Haysom wuxuu sheegay in qof kasta looga baahan yahay inuu tallaabo qaado, mid weyn ama mid yar, si loo xakameeyo musuqmaasuqa, loona hirgeliyo hanaanka hubinta iyo xoojinta dhaqanka sharafta.

"Waxaan rabaa in si gaar ah ugu hambalyeeyo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha hogaaminta dedaallada dawladda ee wax ka qabashada musuqmaasuqa," ayuu yiri Haysom.

Soomaaliya kamid ma ahan dalalka saxiixay Axdiga Qaramada Midoobay ee Ka hortagga Musuqmaasuqa, oo sannadguuradiisii 15aad loo dabaal degayo maanta, 9-ka December 2018.

Tan iyo burburkii, Soomaaliya waxay safka hore uga jirtay wadamada ugu musuq-maasuqa badan caalamka, iyadoo dowladda haatan jirta ay u xirtay dhawaan mas'uuliyiin dhowr ah musuq-maasuq.

Guddiga Maaliyadda Gollaha Shacabka ayaa sidoo kale bishii lasoo dhaafey daabacey warbixin uu ku sheegay in miisaaniyadda 2019 ay ka maqan tahay 42 milyan oo dollar, taasoo la lunsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM