Hehsiis qodobo ka kooban oo laga gaarey Doorashada maamulka Galmudug [AKHRISO]

Image

Cadaado- Kulan dhexmarey wafdigii uu hogaaminayey Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka Cabdi Farah Siciid oo kulamo la qaatey 24 Saac ee la soo dhaafey gudoonka Barlamanka Galmudug, guddiga Doorashada maamulkaas iyo odey dhaqameedyo ayaa waxa kasoo baxay  qodobo wax looga qabanayo khilaafka u dhexeeya mamaulkaas iyo ururka Ahlu Sunah wal Jamaca.

Qodobadaan oo la xiriira xiliga Doorashada dhaceyso iyo kulan dhexmaraya dhinacyada isku haya dhismaha maamulkaan ayaa ka koobnaa qodobada hoos ku qoran kuwasoo qeexaya Jadwalka Doorashada Madaxweynaha ee maamulka Galmudug.

* Doorashada Madaxweyna Galmudug waxa la isla gartay inay dhacdo  30 bisha April.

* 10ka ilaa 17ka April waxaa Muqdisho ka dhici doona wadahadal loo furayo Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca.

*In 25 illaa 30  April waxaa la diyaarin doona doorashada 

*30ka April waxaa loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha.

Wafdiga Wasiirka hogaaminayo ayaa la filayaa in maanta dib ugu noqon doonaan magalaada Muqdishu.

Dadka siyaasda la socda ayaa aaminsan guusha uu ka gaarey Wasiirka arimaha gudaha dib u dhigista Doorashada iyo in kulan isugu yimdaan Galmudug Ahlu Sunah sababtey madaama dhinacyada arintaan khuseeyso u arkaan Mudane Juxa iyo Ra'isal wasaare Khayre iney dhexdhexaad ka yihiin khilaafka u dhexeeyey in muddo ah dhinacyadaan.

GAROWEONLINE  

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM