Heritage oo tallooyin kasoo saartey xaalka gobolka Gedo
MUQDISHO, Soomaaliya – Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa soo saarey tallooyin uu sheegay in lagu dhameyn karo xaaladaha ka oogan gobolada Gedo iyo Hiiraan oo xudun u ah khilaafka doorashooyinka.
"Waxaan soo jeedineynaa in dadaallo kala duwan oo wada socda la sameeyo, si xal loo gaaro," ayaa lagu yiri faallo uu Machadka daabacay Isniintii.
Talooyinka uu machadka soo jeediyey ayaa kala ah;
• Marka hore, waxaan ku talinaynaa in dib-u-heshiisiin laga dhex bilaabo dhinacyada isku khilaafsan Jubbaland iyo Hirshabeelle iyo sidoo kale in dib-u-heshiisiin laga dhex bilaabo beelaha isku khilaafsan ama kacdoonka ka wada goboladda Gedo iyo Hiiraan. Iyada oo la tixgelinayo cufnaanta ama baahsanaanta iyo is-shabahaadda caqabaadka ka taagan goboladaas, ayna si aan la kala saari karin ugu xiran yihiin doorashooyinkii goboladaas iyo awood qaybsiga dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubaland iyo weliba cabashooyinka qabaa’ilka qaar ee muddada dheer soo jiitamayey, waxaan soo jeedineynaa in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay la shaqeyso labada dowlad-goboleed si loo bilaabo geeddi-socod dib-u-heshiisiin rasmi ah oo loogu talagalay in si nidaamsan wax looga qabto cabashooyinka ay tabanayaan qabaa’ilka qaar.
• Tan labaad, waxaan ku baaqaynaa in doorashooyinka labadaas gobol dib loo dhigo muddo kooban si dib-u-heshiisiin degdeg ah oo kooban looga bilaabo deegaanadaas, wadajirna looga shaqeeyo sidii ay ku guuleysan lahaayeen.
• Tan saddexaad, waxaan soo jeedinaynaa marka horumar laga sameeyo dib uheshiisiinta deegaanadaas, in ciidamo dhexdhexaad ah oo ka socda AMISOM (oo aan ahayn kuwa ka soo jeeda Kenya iyo Itoobiya) in la geeyo gobol kasta si ay u sugaan amniga magaalooyinka iyo goobaha lagu qabanayo doorashada.
• Tan afraad, iyadoo la’ogyahay sida xaaladdu ay gacanta oga bixi karto mar kasta, waxaan soo jeedinaynaa in kooxda khubarada doorashooyinka ee Qaramada Midoobay loo xilsaaro abaabulka doorashooyinka gobolladaas iyagoo la kaashanaya hay'adda maamulka doorashada ee dowlad-goboleedyadaas.
"Talooyiikaasi aan soo jeedinay waxa ay si guud ula jaanqaadayaan heshiiskii 17-kii Sebtember 2020-kii lagu gaaray magaalada Mogadishu, ujeedkiisuna wuxuu yahay in loo helo xal dhexdhexaad ah khilaafka ka jira doorashooyinka oo ay ka imaan karto khatar aad u mugwayn oo aan laga soo kabsan doonin. Waxa aannu ognahay in Soomaaliya aysan xamili karin doorasho federaal ah oo lagu muransan yahay, kala qeybsanaanta qotoda dheer ee bulshada dhexdeeda ka jirta awgeed iyo sida ay u kala fog yihiin saamilayda siyaasadda," ayay ku dareen.
Is-mari-waaga doorashooyinka hareeyay waxaa xudun u ah; ciidamada dowladda geysay gobolka Gedo, kuwaas oo caqabad ku ah in Jubaland ay coddeynta u maamusho sidda dowlad goboleedyadda kale, xulista wakiiladda Somaliland iyo guddiyadda magacaaban ee xukuumada xubno ku darsatay.
Talaabooyinkan ay gedaal ka riixeyso Villa Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda heshiiskii 17-kii September kaasoo xeerinayey in doorashada ka dhacdo laba degaan doorasho iyo in ay halkii kursi soo doortaan ergo gaareysa 101.
GAROWE ONLINE