Dowladda oo heshiis ku aadan soo saarista shidaalka la gashey shirkado

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ayaa shirkado laga leeyahay Mareykanka iyo Holland waxay la gashay heshiis cusub oo ku saabsan soo saarista shidaalka Soomaaliya.

Shirkadda ExxonMobil oo fadhigeedu yahay magaaladda Irving ee gobolka Taxes iyo Shell oo waddanka Holland ah ayaa kala yihiin shirkadaha heshiiska qalinka ku duugey.

Qandaraaskan cusub ayaa waxa uu ugu muhiimsan illaa iyo haatan qodobadda lasoo bandhigay laba arrimoood oo kala ah sida hoos ku xusan;

-Bixinta adeegyo kiro ah oo ku baxeysa soo saarista shidaalka, sida uu ogolaanayo Sharciga Shidaalka Soomaaliya oo uu Aqalka Hoose meel-mariyey, balse ay diideen maamuladda qaarkood.

-Iyo in ay shirkadda qayb ka noqotay kuwa kasoo muuqanaya shirka bixinta ruqsadaha shidaalka ee dhowaan qabsoomayo.

Shirkan ayaa waxaa la filayaa in lagu qabto magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga si lamid ah, waxaa xigi doono kulan kale oo Mareykanka ka qabsoomaya dabayaaqadda sanadkan.

Heshiiskan waxaa dhanka dowladda Soomaaliya u saxiixay Cabdirashiid Maxamed Axmed, wasiirka Bartoolka iyo Kheyraadka badda, sidda uu bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal, ku xigeenkiisa.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyada oo xiisad ka dhalatay Shirkii Shidaalka Soomaaliya ee London, caasimada UK, kaasi oo ay Kenya ka gadoodey ay wali taagan tahay.

Is-qabqabsiga oo bilooyinkii lasoo dhaafey soo jiitamayey ayaa gaarey heer ay xukuumada u goodisay madaxda maamulada oo ay ku eedeysay in ay la safteen xukuumada Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM