Heshiiska doorashadda oo dowlada Farmaajo "ku shaabadeeyay fashil"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Heshiiska doorashada 2020-21 ee xeerinaya in dalka dib ugu laabtey coddeyntii 2016-kii oo qayb kamid ah laga bedelay wuxuu dowlada Farmaajo ku shaabadeeyay fashil, sidda uu ka shanqariyey siyaasi.

Inkasta oo magaca guud ay ka yihiin "doorasho dadban," haddana farqiga kaliya ee u dhaxeeyo waa tirada ergada oo sanadkan la kordhiyey, meelaha ay ka dhaceyso coddeynta iyo in ay ku saleysnaan doonto degaan doorasho.

Madaxda dowlada iyo maamulada ayaa isla meel-dhigay jadwalka coddeynta kaasoo dhigaya in Xildhibaanka ugu horeeya lasoo xulayo 1-da December, gudoonka iyo hogaanka la dooranayo 8-da Janaayo illaa 8-da Febraayo.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweyniii 8aad ee Soomaaliya oo u waramay telefishinka Somali Cable, ayaa si furan u sheegay in maadaama horumar la'aantaas ay jirto loo baahan yahay in sidii lagu fuliyo jadwalkaas.

"Horta dowladan fursad ayay haysatay fursadii way kasoo daahdey. Dib u dhac badan iyo niyad-jab badan oo dadka soo gaarey mooyee, waxa maanta dhacaya waa wixii afar sano kahor soo dhacay marka waddo la yaqaano ayaa maanta dadkii la qaad-siiyey, wadadan tii la filayey in la qaadi doono xilli doorashadan imaan doono ma aysan ahayn, laakiin sideeda waa u dhici kartaa hadii niyad-samaan ka yimaad dadka mas'uuliyiinta ah," ayuu ku cabiray fekerkiisa.

Wallow uu sheegay in heshiiska uu kasoo dib-dhacay waqtigii ay ahayd in qalinka lagu duugo si meesha uga baxdo hubati la'aanta muddo dheer soo jiitameysay, Xasan ayaa eeda ugu culus wuxuu dusha ka saarey dowladda Farmaajo.

"Waxaa keenay in doorasho dadban dib loogu soo laabto shaqo ay ahayd in la qabto ayaan la qaban. Maalintii ay dowladan timid xafiiska shaqadii ay ahayd in ay bilowdo ayaan la qaban. Markii ugu horeysay oo dowladda doorasho ka hadasho afarta sano ee sii dhameyso bishii Julaayo ee sanadkan ayay ahayd. Laakiin bishii Julaaayo 2017-kii ayay ahayd in la yiraahdo doorashoo loo dhaqaayaa, noocaas ayaa lagu gelayaa iyaddoo heshiisyo horudhac ah ay Baydhabo ku gaareen dowladda iyo maamul goboleedyadda, haddana shaqo lama qaban".

Qabyo-tirka dastuurka, dib-u-heshiisiinta, dhismaha Hay'addaha Dowladda iyo xoojinta dimuqraadiyada ayaa bud-dhig u ahaa hiigsiga Soomaaliya ee 2020-21 ay uga qabsoomi lahayd doorasho toos ah oo dadka ay coddeeyaan.

Balse, sidda laga soo xigtay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka, mudadii ay jirtay dowlada Farmaajo waxba laga qaban dhamaan arrimahaas, waxaana waddanka uu ku dhacay dib u dhac siyaasi ah.

"Marka in maanta meeshii 2016-kii aan joogno waxaa kalifay shaqo la qaban-waayey, horumar siyaasadeed in aanu dalku gaarin. Macnaheedu dowladda waxay maanta saxiixdey, isku shaabadeysay afarta sano ee sii dhamaaneysaa wax horumar ah oo siyaasadeed oo dalka laga sameeyay ma jiraan, bal meelaha qaarkood dib u dhacaa ka jiro," ayuu hoosta ka xariiqay Xasan Sheekh.

Is-eedeynta siyaasiyiinta iyo murashaxiinta xildoonka ah marka la gaaro waqtiga kala guurka ah ayaa dhaqan soo jireen ka ah Soomaaliya, iyaddoo mid walba uu isku dayayo in uu xaalada jirta ka raadiyo sumcad uu ku wiiqo midka kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM

Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

War-saxaafadeedku waxa uu sheegay in Mansoor Tima-Weeyne, hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 07:42AM