"Heshiisyo ay si qarsoodi ah u galeyso" DF oo laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa maalmaha soo aadan waxay heshiisyo qarsoodi shidaal baaris, sahmin iyo qodis wada socda ah la galeysaa shirkado, sidda ay sheegeen musharaxiinta.

Golaha ay ku mideysan yihiin musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya oo qoraal soo saarey Axada maanta ah ayaa cod dheer waxay ka digeen heshiiskan lala gelayo shirkadaha Liberty iyo Coastline.

Sidda laga soo xigtay bayaankooda, heshiiskan kusoo aaday mar-xalad kala guur ah isla markaana madmadow xoogan horseedaya ayaa baalmarsan heshiiskii Baydhabo ee Wadaaga Kheyraadka iyo Sharciyada dalka.

Musharaxiinta ayaa intaas ku daray in heshiiskan qarsoodiga ah uu dhaawacayo geedi u socodka deynta looga cafinayo waddanka isla markaana uu keeni karo in dalka lagu celiyo shuruudihii uu kasoo gudbay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhamaanayo Farmaajo ayay si gaar ah uga digeen in la saxiixo "heshiisyadaas halista ah xilligan uu dalku marayo xaalad kala guur ah oo loo dareerayo doorashooyinka".

Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayay cod dheer ugu baaqeen in ay dabagal ku sameeyaan heshiisyadaas lana xisaabtamaan madaxda dowlada federaalka kheyraadka dalkana badbaadiyaan.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayay ka rajeeyeen in uu talaabo ka qaadi doono Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee "sidda daahsoon ee ka fog daahfurnaanta u soo agaasintay heshiisyadaas".

Xeer-ilaaliyaha iyo Hantidhowraha ayay xusuusiyeen in waajib ku tahay soo bandhigista xogta heshiisyadaas kana hortagaan in madaxda xilka haysa ay hantida qaranka u adeegsadaan dano shaqsi oo gaar ah.

Ugu dambeyntii, madaxda maamulada ayay kula taliyeen in ay ka digtoonaadaan heshiisyadaas isla markaana ay qaadaan "talaabooyin looga hortagayo in la hirgeliyo heshiisyadaas khatarta gelinaya khayraadka dalka".

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM