​HIIRAAN: Al shabaab oo Madax-furasho kusii daayay Gabdho u afduubnaa

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Al shabaab ayaa lacag madax-furasho ah kusii daayay Gabdho ugu afduubnaa mudo labo bilood ah gobolka Hiiraan, ee bartamaha dalka Somalia.

Gabdhahan oo tiradoodu gaarayso Sadex ayaa waxay katirsanaayeen, oo u shaqaynayeen NGO lagu magacaabo Hello-Trust oo ka shaqeysa arimaha samafalka, sida Waalidiintooda laga soo xigtay.

Aabe dhalay mid kamid ah Gabdhahan, oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in ay siiyeen Al shabaab $13,000 USD mid kasta oo kamid ah Gabdhahaasi, si markale dib ugu haleen xuriyadooda.

Wuxuu xusay in Gabdhaha laga afduubay deegaanka Far-libaax bishii July, iyagoo halkaasi kawaday Howlo samafal ah, oo ay gargaar ku gaarsiinayeen dadka shacabka ah ee saamaysay abaarta.

Dhanka kale, wararka aan ka helayno gobolka Baay waxay sheegayaan in lix qof oo Shaqaale gargaar ah lagu qafaashay deegaan lagu magacaabo Garas Mooshin, oo hoostaga Baydhabo.

Shaqaalahan oo katirsan NGO-ga GREDO ayaa lagu afduubay shalay Garas Mooshin, oo 20KM dhanka Koonfureed uga beegan Baydhabo, xilli ay halkaasi howlo quudin iyo nafaqeyn ah kawadeen.

Al shabaab wali kama aysan hadlin afduubka iyo sii daysmada Shaqaalaha gargaarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM