HIIRAAN: Al Shabaab oo weerartay ciidamo katirsan AMISOM

Image

BELEDWEYNE, Somalia-  Mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday kolonyo ay la socdeen ciidamado katirsan ciidamada AMISOM ee Somalia u jooga nabad ilaalinta.

Weerarka ayaa ka dhacay duleedka degmada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada Ethiopian ayaa kala kulmay Al shabaab weerar xooggan oo gaadmo ah, xilli ay marayeen Tuulada Burdar, oo 40KM dhanka bari uga beegan xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarku uu isku bedelay dagaal toos ah, oo mudo saacado qaatey, kaasi oo geestay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaarey.

Al shabaab ayaa sheegtay inay labo Askari oo katirsanaa AMISOM ay ku dileen weerarka ay ku qaadeen Gaadiidka Ciidamada Itoobiya oo kasoo  ambabaxay magaalada Baladweyne kuna sii jeeday Buuloburte

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay hawada ka saareen Isgaarsiinta deegaanka lagu weeraray ee Burdar, oo isku xira degmooyinka Beledweyne iyo Buuloburte, oo oo kawada tirsan Hiiraan.

AMISOM wali kama aysan hadlin weerarka lagu qaadey ciidamada Itoobiya, oo labadii maalmood ee lasoo dhaafey dhaq-dhaqaaqyo military kawaday gobolkaasi, iyo duulaan ka dhan ah kooxda Al shabaab.

GAROWEONLINE


Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM