Hiiraan: ciidamada AMISOM oo mar kale dad rayid ah laayey

Image

August 9, 2015 (GO)- Ugu yaraan shan qof oo rayid afhaa ayaa ku geeriyoodey deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM rasaas ku fureen gaari ay dad shacab ahi saarnaayeen. Ciidamada dilka geystey ayaa ka tirsan kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah ee AMISOM.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta, balse wararka hordhaca ah ee warbaahintu helayso ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya gaariga joojiyeen kadibna baaritaan ku sameeyeen iyagoo baarista kadibna rasaas ku furay.


Dadka gaariga la socdey oo u badanaa kuwa qaraabo ah, waxay ka yimaadeen dhanka degmada Beledweyn, halkaasoo ay munaasabad tacsi ahayd kaga soo qayb galeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska sare ee AMISOM weli wax war ah falkan kama soo saarin.

Waa markii saddexaad muddo bil gudeheed ah ee ciidamada AMISOM dad rayid ah layaan. August 2, 2015 ayey ahayd markii sidan oo kale ciidamo ka tirsan AMISOM degmada Marka ugu dileen shan qof oo hal qoys kasoo wada jeeday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM