Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo isku haysta marti galinta shirka

Image

05 September, 2015(GO)-Muran ayaa ka taagan cidda marti galinaysa shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo dib uga dhacay xilligii la qaban lahaa.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifatax Xasan Afrax oo Baladweyne warbaahinta kula hadlay ayaa sheegaya inay iyagu shirkaasi marti galinayaan maadaama sida uu hadalka u dhigay ay sameeyeen diyaar garow.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe Cali Guudlaawe ayaa hadalkaasi ku tilmaamey mid lagu fududaadey isla markaana uusan xaq u lahayn go'aaminta halka lagu qabanayo shirka maamulka loogu sameynayo.

01 September ayaa qorshuhu ahaa qabsoomidda shirkaasi, waxaana uu dib u dhacay sababo la xiriir muran ka taagan saami qaybsiga shirkaasi, balse waxaa haatan soo baxaya khilaaf hor leh oo ku aadan halka lagu qabanayo.

Xukuumadda Somalia weli ma aysan caddeyn goobta uu ka dhacayo shirka maamulka loogu dhisayo labada gobolka ee Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM