​HirShabeelle: DFS dhex-dhexaad kama ahaan karto Khilaafka Khaliijka

Image

JOWHAR, Somalia- Maamulka ugu da’da yar dowlad goboleedyada ka jira dalka Somalia, ayaa war-saxaafadeed kasoo baxay looga hadlay khilaafka wali ka aloosan waddamada Khaliijka ee xiriirka loogu jaray xukuumadda Qadar.

Warqad uu ku saxiixanyahay Madaxweynaha lagala noqday kalsoonida ee maamulka HirShabeelle ayaa lagu sheegay in dowladda Somalia aysan dhex-dhexaad ka ahaan karin arrimaha waddamada Khaliijka.

HirShabeelle ayaa dowladda Somalia ugu baaqday inay dib u eegto go’aankii hore ee ay ka qaadatay khilaafkaas.

Maamulkan ayaa sidoo kale sheegay in isagoo tixgalinaya rabitaanka shacabka reer HirShabeelle ay la safan yihiin xulafada Sucuudiga.

Dhinaca kale waxaa qoraalkaas lagu sheegay in arrintan aysan munaasab u ahayn Amniga iyo dhaqaalaha Somalia, maadaama labadaas dal ay ka gaystaan taageero laxaad leh.

Ugu dambayn maamulka HirShabeella ayaa cambaareeyay dhammaan cid kasta oo taageerta Argagixisada Somalia iyo kuwa kale ee dunida ka jira.

Arrintan ayaa timid xilli war-saxaafadeed noocaan oo kale ah soo saaray xukuumadda Puntland, waxaana u muuqdaa in labada qoraal ay aad isugu egyihiin.

Lama oga sababta keenta in muddo kadib maamulladan ay la saftaan xulafada Sucuudiga.

Maamulka HirShabeelle oo uu ka jiro khilaaf siyaasadeed ayaa dhawaan eedayn dusha uga tuuray Dowladda federaalka Somalia, kadib markii eedeeyay inay gacan ku leedahay dhibaatada kasoo cosboonaatay maamulkaas.

Wali go’aamadan kama aysan hadlin dowladda Federaalka Somalia ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM