HirShabeelle oo ka hadashay qaadka laga dajiyay Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta maamulka HirShabeelle ayaa looga hadlay tallaabada ganacsatada jaadka ay ugu soo wareejiyeen diyaaradahoodii ka dagi jiray Muqdishu magaalada Jowhar.

Qoraalkan oo uu soo saaray wasiirka wasaaradaas Mahad Hassan Osmaan, ayuu ku sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabadan oo uu xusay inay u arkaan maalgalin hor leh.

Wuxuu sheegay iyagoo ka duulaya ajandahooda hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha HirShabeelle, inay soo dhaweynayaan cid kasta oo maalgashan doonta deegaanada maamulkaas islamarkaana si dhow ula shaqayn doonaan.

Taageerada HirShabeelle ee dhinaca Jaadlayda ayaa kusoo aadaysa xilli caasumadda Somalia looga kordhiyay canshuurtii laga qaadi jiray.

Sababta kordhinta waxa faah faahin ah cidna kama bixin, balse waxaa wararku intaas ku darayaan in is-fahmi waa uu dhaxeeyo dadka lasoo daga Qaadka iyo wasaaradda Maaliyadda Somalia.

Lama oga inta uu qaadku kasoo dagi doono magaalada Jowhar, balse waxaa maanta Muqdishu lagu geeyay gawaari.

Jaadka ayaa dadka Somaliyeed ku bixiyaan kharasha ugu badan, waxaana maalin kasta soo gaara gudaha dalka Diyaarado Qaad sida oo dhinaca Kenya ka yimaada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM