​Somalia: HirShabeelle oo sameysatay Ciidamo Boolis ah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Somalia - Madaxweynaha maamulka HirShabealle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Saldhiga Booliska Beledweyne waxa uu nambarrada aqoonsiga ku siiyay ciidamo cusub oo uu yeeshay maamulkiisa markii ugu horeysay tan iyoo aas aaskiisa sanadkii 2016.

Madaxweyne Cosoble, oo ay wehliyeen Wasiirkiisa amniga Maxamed Ibraahim Cali iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow ayaa la kulmay ciidamada cusub, kuwaasi oo dhawaan tababar usoo dhamaadey.

Waxay sheegeen in ciidamadan ay noqonayaan kuwii ugu horeeyay uu HirShabeelle yeelato, waxayna u balan-qaadeen inay helii doonaan xuquuqdooda iyo qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen, sida saldhigyo, hub iyo gaadiid intaba.

Madaxweyne Cosoble ayaa kula dardaarmay ciidamada inay si wanaagsan ay u gutaan waajibaadkooda, islamarkaana ay noqdaan kuwa u adeegga shacabkooda, kana shaqeeya amniga.

Hadal-jeedintiisa Ciidanka kadib, kadib Madaxweynaha kormaaray qeybaha kala duwan saldhigga Booliska Beledweyne, oo hadda ka socdo dhismo cusub oo lagu ballaarinayo.

Maamulka HirShabeelle, oo la aas-aasay dhamaadkiii sanadkii tagey ee 2016-ka, ayaa waxaa hareeyay caqabado badan, oo ay ugu horeeyaan Khilaaf u dhaxeeya Beelaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, amni la'aan iyo xaruumaha uu ku shaqeeyo oo aan wali la dhisin.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM