HirShabelle oo fahfaahisay dagaal dhex-maray ciidanka iyo Al-Shabaab

Image

JOWHAR, HirShabelle – Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa ka warbixiyey dagaal culus oo ay Al-Shabaab kula galeen tuulada Yaaqle, oo hoos-timaada degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, galabnimadii Isniinta.

Iska hor-imaadka ayaa ka dambeeyay markii xoogaga dowlada oo degaanka u tegay howlgal ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen dagaalameyaal aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in is-rasaaseynta oo in muddo ah qaadatay ay dhalisay khasaaro dhimasho iyo dhaawaca, inkasta oo ay ka gaabsadeen in ay si toos ah u cayimaan tirada saxda ah.

Maxamed Kulmiye, agaasimaha wasaarada warfaafinta HirShabelle, ayaa sheegay in 11 kamida argagixisada ay ku khaarijiyeen isku dhacaasi, isaga oo xaqiijiyay dhaawaca askar iyo sarkaal sare ah.

"Howlgalkaasi waxay ciidamadu qaadeen iyaga oo ka hortegaya weerar uu cadowga qorsheynayey," ayuu Maxamed yiri xili uu khadka telafoonka kula hadlayey warsidaha Garowe Online.

Geesta kale, Al-Shabaab oo war qoraal ah kasoo saartay dagaalka ayaa tilmaamtay in ay ku dishay tobanaan askar ah, oo uu ku jiro Col Cali Khaliif, abaanduulihii guutada labaad oo howlgalka horkacayey.

Hasayeeshee, agaasimaha wasaarada warfaafinta maamulka Maxamed Cabdi Waare ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada Shabaab, isaga oo ku adkeysatay in Korneylka uu kaliya dhaawac yahay.

"Maya, waa dhaawac salhan, waxaana rajeynayaa in uu soo kabsado dhowaan," ayuu ku jawaabay markii la su'aallay waxa ka jira wararka soo jeedinaya in Cali Khaliif waxyeelada halis ah ay soo gaartay.

Askarta dhaawac ah oo uu ku jiro Korneylka ayaa lagu dhabiibayaa Isbitaalka magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, sidda uu fahansan yahay mareega GO.

HirShabelle ayaa ku fashilantay in uu wax ka qabto xaalada amni ee wadada xiriirsa Balcad-Jowhar iyo Jowhar-Muqdisho taasi oo mas'uuliyiinta iyo ciidanka dowlada aysan safri karin, wallow ay soo hagaageysay mudooyinkii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM