HirShabelle oo soo afmeertay doorashadda Aqalka Sare

Image
Laba Senator cusub ayaa Isniinta maanta ah waxaa lagu doortey magaaladda Jowhar.

JOWHAR, HirShabelle - Baarlamaanka HirShabelle ayaa maanta wuxuu u coddeeyay laba kursi oo ka haray xubnaha ku metelaya Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ee federaalka Soomaaliya.

Mid kamid ah kuraastan ayaa dib loogu coddeynayaa maadaama uu kal hore buuq hareeyay. Wadarta maamulkan ku leeyahay Senate-ka waa 8 wakiilo.

Cali Shacbaan Ibraahim ayaa loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare kadib markii uu 62 cod kaga adkaadey wareegii labaad musharaxii la tartamayay Cabdulqadir Xanafi oohelay 24 cod.

Zamzam Cabdullahi ayaa loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare kadib markii ay 77 cod kaga guuleysatey musharaxii la tartamaysay Naciimo Ibraahim oo hore ugu fadhiday kursigan ooheshay 8 cod.

Dhanka kale, Baarlamaanka HirShabelle ayaa Isniinta maanta ah anshax-mariyey mudaneyaashii fowdada ku carqaladeeyay kulankii doorashada Senators-ka ee qabsoomay 18-dii September.

Xildhibaanada oo gaaraya shan ayaa afar kamid ah laga joojiyey ka qeybgalka laba kalfadhi iyo gunada kal-fadhiyadaas, halka mid kamid ah laga hakiyey hal kal-fadhi iyo gunada kulankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM