Talyaaniga oo lacag ugu deeqay qaxootiga ka soo cararay Yemen

Image
Image
Image
Image

16 September, 2015(GO)-Dowladda Talyaaniga iyo Ha'adda Qarmada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa magalada Nairobi ku kala saxiixday hishiis dhigaya in deeq lacageed la siiyo dadka ka soo qaxaya colaadaha Yemen.

Hishiiska ka dhacay Kenya, waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ka socotay dowladda Somalia,waxaana uu dhigayaa in lacag gaaraysa 1.4 Milyan oo Yuuro(Euro) dib u-dajin loogu sameeyo muhaajiriinta yimi Somalia.

Safiirka Somalia u fadhiya Kenya  Jamaal Maxamed Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in lacagtani wax loogu qaban doono xaaladda qaxootiga, waxayna qayb ka tahay dadaallo lagu doonayo in wax loogu qabto kumanaan muhaajiriin ku sugan Somalia.

Arrintan aya imaanaysa xilli qaybo badan oo Somalia ka mid ah soo gaareen qaxooti ka yimi colaadda Yemen, kuwaasi oo la daalaa dhacaya duruufaha dhanka nolosha ee soo wajahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM