​Hogaamiyaha Ahlu Sunna oo gaarey Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Hogaamiyaha Ururka Ahlu Sunna Sheekh Maxa'ed Shaakir iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey Muqdishu, si uu ula kulmo Madaxweyne Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo.

Sheekh Maxa'ed Shaakir Cali Xasan oo saxaafada kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in imaatinkiisa Muqdishu uu ka dambeeyay casuumaada uu ka helay Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay Hogamiyaha Ahlu Sunna in uu ka qeybgalayo Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha cusub oo lagu wado inay dhacdo maalinta Berri ah, Feb 22.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in maamulkiisa Ahlu Sunna uu aad u taageersan yahay Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana la shaqeyn doonaan dowladiisa cusub, ee dhawaan la dhisayo.

Wuxuu intaas ku daray in Ahlu Sunna ciidankeeda ku biirin doonaan kuwa qaranka, islamarkaana ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ee looga saarayo guud ahaan Soomaaliya.

Ahlu Sunna ayaa si aad ah uga soo horjeeday dowladdii Xasan Sheekh, oo ay ku mucaaradsanaayeen ka qeyb-gelin la'aanta dhisamaha maamulka Gobollada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM