Hogaamiye katirsanaa Al Shabaab oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay Dad rayid ah u geysteen sarkaal muhiim u ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Axmed Nageeye ayaa la sheegay inuu ahaa Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsanaa tuuladda Gaalawar oo duleedka uga beegan magaalada Afgooye.

Sida laga soo xigtey dadka degaanka, dilka Nageeye ayaa yimid markii uu isku deyay inuu Shacabka oo uu meel isugu yeeray uu ucagajugleeyo, taasi oo ay ka biyo diideen, iyaga oo bilaabay olale isaga ka dhan ah.

"Bastooladiisa oo uu lasoo baxay, taasi oo uu rabay inuu dadka ugu goodiyo ayey dadka ka xoogeen iyaga oo kadibna toogtey," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo magaciisa sababo amni u khariyay.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Gudoomiye Maxamed Ibraahim Barre oo dhacdadani wax uu ka waydiiyey warsidaha Garowe Online wuxuu bogaadiyey talaabada ay shacabku qaadeen.

Barre oo telafoonka ugu waramey GO wuxuu cod dheer ku sheegay in shacabku ay haatan fahmeen "dhibaatada ay Shabaab dhabarka ku sidato" isaga oo tibaaxay inay diyaar uyihiin garab istaagooda.

Baqdin dadka degaanka lasoo dareystay kadib dilkaas ayuu shaaca ka qaadey inay ka difaaci doonan halis walba oo uga timaada kooxda gacan-saarka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda.

Ma jiro qoraal rasmi ah oo ay Al-Shabaab illaa iyo haatan kasoo saartey dilka sarkaalkaan la sheegay inuu xubin buuxda ka ahaa kooxda magaalada Muqdisho laga saarey 2006-dii, balse wali amniga khal-khal gelineysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM