"Hogaamiye" xabsi loogu xukumay in uu calan gubay

Image
Dhacdadan ayaa qeyb ka ahayd banaanbaxyo lagu taageersan yahay Trump laguna diidanaa guushii Joe Biden.

WASHINGTON, USA - Hoggaamiyaha kooxda Proud Boys ee midigta fog ayaa lagu xukumay ku dhawaad ​​lix bilood oo xabsi ah markii uu gubay calankii Black Lives Matters ee la xaday bishii December, 2020.

Enrique Tarrio, oo 37 jir ah, ayaa qirtay dambiga ah inuu gubay calanka isla markaana isku dayay inuu haysto qalab loo adeegsado lagu rido rasaasta ama xabadaha oo aad u weyn.

Isagoo Isniintii ka soo muuqday muuqaal ay faafisay maxkamadda, Tarrio ayaa raaligelin bixiyay wuxuuna sheegay inaysan jirin "wax cudur daar ah" oo ku aaddan ficilladiisa.

Xabsiga ayaa loo dhaadhicin doonaa 6 -da September si ay ugu bilaabato maalmaha jeelka oo 155 casho ah.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Tarrio iyo xubnaha kale ee Proud Boys ay calanka ka saareen Kaniisadda Asbury United Methodist taariikhdu markay ahayd 12 Disembar kadibna ay dab qabadsiiyeen.

Dhacdadan ayaa qeyb ka ahayd banaanbaxyo lagu taageersan yahay Trump laguna diidanaa guushii Joe Biden ee doorashada. Dhowr maalmood ka dib, Tarrio wuxuu qirtay inuu qeyb ka ahaa dambiga.

Proud Boys waa koox xagjir midigta fog ah ayna xubnaheedu yihiin dadka aaminsan sareynta dadyowga cadaanka ah ee Mareykanka, halka Black Lives Matters uu yahay olole lagu taageerayo dadka madowga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM