Hogaamiyeyaal Al-Shabaab ah oo duqeyn lagu khaarijiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saraakiil iyo dagaalameyaal Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay duqeyn xalay ka dhacdey gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay warisay warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda xogga Soomaaliya.

Sida ku xusan warbixinta Idaacda SNA, duqeynta oo ay iska kaashadaan ciidamadda Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah waxay ka dhacdey tuulooyinka Tawakal iyo Ugunji oo hoostaga degaanka Janaale.

"Horjoogayaasha duqeeynta lagu dilay ayaa waxaa kamid ahaa Khaalid Cabdulaahi oo horjoogihii canshuuraha ee deganaada Hanta-wadaag ee gobolkaasi Shabeellaha Hoose iyo Macalin Yuusuf oo kamid ahaa horjoogihii Amniyaadka gobolka Shabeelaha Hoose iyo horjooge kale oo saraakiisha ay noo sheegeen inay soo gudbin doonaan magaciisa," ayay baahisay Idaacadda ciidanka.

Warbixinta oo lagu soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamadda Soomaaliya oo magacyadooda aan lasoo bandhigin ayaa intaas ku dartay in xubno gaaraya shan oo ilaalo u ahaa horjoogeyaasha ay ku dhinteen howlgalka.

Marka laga soo tago sheegashadan, ciidamadda Soomaaliya ayaanan soo bandhigin caddeymo ku saabsan qaabka falku dhacay ama sawiro.

Maleyshiyada Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa dhankooda waxa aysan wali ka hadlin duqeyntan.

Mareykanka ayaa aalaaba wuxuu Soomaaliya ka fuliyaa duqeymaha dhanka cirka ah, isaga oo beegsada maleyshiyaad Al-Shabaab iyo hogaankooda. Gobolka Shabelelaha Hoose waa mid kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM