Hogaamiyeyaal Al-Shabaab ah oo liis madow lagu daray

Image

WASHINGTON, USA – Golaha Ammaanka ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa si wadda-ogol ah waxay u meelmariyeen in liis madow lagu darro saddex horjooge oo ka tirsan maleshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab.

Cunaqabateynta lagu soo rogay saraakiishaas ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda ayaa ka dambeysay kadib markii ay dalbadeen dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Magacyadda hogaamiyeyaasha xayiradda lagu soo rogay ayaa kala ah; Abuukar Cali Aadan, Macalin Ayman iyo Mahad Karaatay.

Xukuumadda Washington oo safka hore kaga jirta awooda caalamka ee dagaalka ba'an kula jira kooxaha argagixisadda ah ayaa si weyn u soo dhaweysay meelmarinta Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Mareykanka wuxuu ku amaanayaa Golaha Ammaanka UN-ka cunaqabateynta ay saareen hogaamiyaasha Al-Shabaab eek ala ah Abukar Ali Adan, Macallin Ayman, iyo Mahad Karate, oo ah shaqsiyaad mas'uulka ka ahaa falal badan oo argagixiso ah. Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasilloonida, barwaaqada, iyo nabadda Soomaaliya," ayay tiri Erica Barks-Ruggles.

Erica oo horey u soo noqotay safiirka Mareykanka ee Rwanda ayaa haatan ah sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda dalkaas.

Aadan waa hogaamiye ku xigeenka ururka. Ayman waa taliyaha guutadda Jeysh Ayman ee ka dagaalanta waddanka Kenya, iyo Mahad Karataay, oo soo noqdey hogaamiye ku xigeen hore ee kooxda ahna xubin awood badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM