Hogaamiyeyaasha Soomaaliya oo kuwada sugan Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madax dhowr ah ayaa isugu yimid magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland si ay uga qeybgalaan madal uu qabanqaabiyey machadka daraasaadka siyaasada ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ex-Raiisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah madaxda ugu sareysa ee ka degay Garowe.

Axadii iyo Isniintii, magaalada Garoowe waxaa ka degay murashaxiinta mucaaradka ah iyo qaar kamid ah madaxda sare ee dowladda iyo sidoo kale hoggaanka labada Aqal ee baarlamaanka.

Madasha ayaa la rajeynayaan in hogaamiyaasha ay ku yeeshaan dood adag oo ku saabsan sidda looga saari karo Soomaaliya marxalada kala guurka ee dhowr iyo tobanka sano ah loona gudbiyo doorasho hal qof, hal cod ah sanadka 2025.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qor Qor iyo dhigiisa Jubaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ku sugan Garoowe.

Madaxda dowladda iyo musharixiinta mucaaradka ayaa la filayaa inay ka hadlaan doorashada 2020/21 iyo muranka ka taagan guddiga doorashada.

Midowga musharixiinta madaxweynaha oo gaaraya 14 ayaa ku baaqayay in la kala diro guddiga doorashada oo ay soo xushay dowladda federaalka, iyagoo ku doodaya in ay ku badan yihiin shaqsiyaad daacad u ah Madaxweyne Farmaajo iyo kuwa kale oo la rumeysan yahay in ay yihiin saraakiil daahsoon oo ka tirsan hay'adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

Inkasta oo ay dowlada si isdaba joog ah u beenisay sheegashooyinkaas, hadana mucaaradka waxay wacad ku mareen in aysan ka qeyb gali doonin doorashooyinka ilaa laga fulinayo dalabkooda.

Dalka oo wajahaya khatar amni oo aad u badan oo kaga imaaneysa Al-Shabaab ayaa loo qorsheeyay in la qabto doorashada bishaan Diseembar laakiin dib u dhaca wuxuu umuuqdaa mid lama huraan ah duruufaha jira awgood wallow wax isbedeli karaan xilli kasta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Wadahadal la yeeshay Taher Al-Baour

Labada dhinac ayaa dib u cusbooneysiiyay ballan-qaadkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah si loo gaaro amni.

  • Soomaliya

    09-01-2025

  • 09:45AM

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Masar u tagey Howlgalka AUSSOM

Masar ayaa doonaysa inay booska Itoobiya buuxiso, laakiin waxay khubarada amiga sheegeen in Ciidamada Itoobiya.

  • Soomaliya

    09-01-2025

  • 08:45AM