Hogaamiyihii kooxda Macawisley oo lagu dilay Dagaal ay la galeen Al-Shabaab

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Koox la magac-baxday Macawisley, oo ka kooban dad shacab ah oo is abaabuley ayaa dagaal kula galay Al Shaabab degaanka katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Dagaallo Kooxdan kula galeen Al Shabaab Tuulooyinka Daarusalaam iyo Bur-Dacar, oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa looga dilay hogaamiyahoodii iyo ku xigeenkiisa, oo lagu kala magacaabi jiray Hibaad Cali Dasar iyo Nuur Cali Junbur.

Tuulooyinka ay dagaalladu ka dhaceen ayaa xaaladoodu wali kacsan, iyadoo ay gaareen ciidamo ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaasoo taageero siinaya Kooxda Macawisley ee dagaalka kula jirta Al Shabaab.

Hogaamiyaha Macawisley, Hibaad Cali Dasar iyo ku xigeenkiisii, Nuur Cali Junbur ayaa lagu dilay weerar rogaal-celis ah oo shalay Al Shabaab kusoo qaadey degaanadii Axadii laga saarey oo ku dhaw Aadan Yabaal, kaasoo Al Shabaab looga dilay 4 xubnood.

Dadkan shacabka ah ayaa is abaabulay, isna hubeeyay kadib markii Al Shabaab ay kusoo rogtay amaro culus, oo ay kamid yihiin inay si qasab ah ku bixiyaan xoolo ay ku sheegeen Zako iyo dhaqaale ay ku dagaal galaan.

Al-Shabaab oo mudo 10 sano ah dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, ayaa la rumeysan yahay in dhaqaalaha ay ku howlgasho ay ka hesho dadka ku nool degaanada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM