"Murashaxiintii" Villa Soomaaliya oo loo doortay hogaanka HirShabelle

Image
Image
Image

JOWHAR, HirShabelle - Cali Cabdullaahi Xuseen [Guudlaawe] ayaa Arbacada maanta ah waxaa lagu dhawaaqay in loo doortey madaxweynaha afarta sano ee soo aadan leelin doona dowlad goboleedka Soomaalia ee HirShabelle.

Xilli ay coddeeyeen Xildhibaano tiradooda gaareyso 99 mudane, Guudlaawe oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii dowlad goboleedkan, ayaa wuxuu ka adkaaday Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan.

Sidda ay illo wareedyo loo qaateen ah u sheegeen warsidaha Garowe Online, Mr Guudlaawe ayaa ah tartamaha ay Villa Soomaaliya dooneysay in uu kusoo baxo maadaama uu daacad u yahay.

Guuleyste Guudlaawe ayaa helay codad dhan 86 cod, halka murashaxii la tartamayey Cabdiraxmaan uu dhankiisa helay 13 cod, taasoo la macno ah in uusan jirin cod xumaadey, sidda guddigu shaaciyey.

 

Murashaxa laga adkaaday oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in uu aqbalay guuldarada, wuxuuna madaxweynaha la doortey kula dardaarmay in uu si gaar ah isha ugu hayo arrimaha ciidamadda oo habac uu ka jiro.

Guudlaawe oo dhankiisa hadlay ayaa isagoo aan caddeymo soo bandhigin wuxuu qashinka ku daray sheegashooyinka ku aadan in dowladda federaalka ay faragelin ku sameysay coddeyntan aadka isha loogu hayo.

"Waxaan dowladda dhexe uga mahadcelinayaa talooyinka wanaagsan oo ay ka geysteen geedi u socodka doorashada HirShabelle. Waxaan qirayaa in dowladda dhexe aysan wax faragelin ah ku sameynin doorashada dowlad goboleedka HirShabelle oo ay dhisteen ummadda degan dowlad goboleedka HirShabelle," ayuu yiri isagoo si lamid ah u mahadnaqay Beesha Caalamka.

Dhanka kale, Yuusuf Axmed Hagar [Dabageed], gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, ayaa noqdey madaxweyne ku xigeenka HirShabelle markii uu codad dhan 87 kaga adkaaday Maxamed Maxamuud Cabdulle oo helay 12 cod.

Villa Soomaaliya ayaa horey u faragelisay isla markaana murashaxiin taabacsan kusoo saartey doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug, balse waxay ku ku guuldareysatay in ay saameyn ku yeelato Puntland iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM