Hogaanka cusub ee HirShabelle oo la-ka-caakufaya caqabadii koowaad
JOWHAR, HirShabelle – Madaxda cusub ee HirShabelle ayaa wajahaya layligii ugu horeeyay kaasoo daliil u noqon doona hogaamitooda suuban hadii ay uga dabaashaan hanaan la isla ogol-yahay oo xal waara horseeda.
Caqabadan ayaa kasoo ifbaxdey gobolka Hiiraan halkaasoo maleyshiyo degaanka ay si xoogan uga soo horjeesteen madaxda lagu doortay Jowhar iyo in ay soo caga dhigtaan madaarka diyaaradaha magaaladda Beledwayne.
Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tan iyo todobaadkii hore wuxuu tirro laba jeer ah ka baaqdey safar uu qorsheeyay in uu ku tago Beledwayne xasarada awadeed.
Jabhadan uu horkacayo Jeneraal Xuud oo kamid ah murashaxiinta faragelinta Villa Soomaaliya awadeed uga haray tartanka madaxtinimada ayaa ku andacooneysay "in ay goobeyso xuquuqda ka maqan dadka gobolka Hiiraan".
Doodooda ayaa si gaar ah waxay u khuseysaa in la baalmaray heshiiska siyaasadeed ee xeerinayey in bulshada gobolka Hiiraan hesho madaxweynaha isla markaana madaxweyne ku xigeenka leeyihiin Shabeellaha Dhexe.
Xiisadda ayaa habeenimadii Jimcada ee Sabtida soo galeysay isku rogtay gacan ka hadal, waxaana isku-dhac uu ku dhexmaray jabhadda iyo ciidamadda maamulka duleedka Beledwayne gaar ahaan degaanada Buuraleyda ah.
Illo labada dhinac ku dhow ayaa xaqiijiyey in dagaalku socday daqiiqdo. Labada dhinac waxay isku eedeeyeen in weerarka uu kan kale soo qaadey. Balse waxay ka gaabsadeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Is-qabqabsigan ayaa u muuqda in uu yahay max-suulka maroor-siga ay Villa Soomaaliya ku dhistay maamulka labaad ee HirShabelle iyaddoo kaliya eeganeysa danaheeda doorashadda 2020-21 iyo soo laabashada Farmaajo.
HirShabelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee lagu hirgeliyey nidaamka federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo dhismihiisa waxaa hareeyay khilaaf awood qeybsi ku saleysan taasoo curyaamisay horumarka laga filayey.
Markale waxaa muuqaneysa in dowlad goboleedka uu wajahayo afar sano kale oo wax-qabad la'aan ah hadii madaxda talada haysa aysan garan ahmiyada ay leedahay is-qancin, kana soo daadegin adeegsiga awood ciidan.
GAROWE ONLINE