Hogaanka Maxkamada Sare ee Ciidamada oo la bedelay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Soomaaliya ayaa lagu waramay in uu Sabtida maanta ah isbedel ku sameeyay hogaanka Maxkamadda Sarre ee Ciidamadda Qalabka Sidda.

Sidda ay warbixinaddu tilmaamayaan, Maxamuud Axmed Xasan [Dalab] ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda.

Mr Dalab oo kamid ahaa saraakiisha bileyska loona dalacsiiyey Gaashaanle Sarre ayaa la sheegay in uu bedelayo Liibaan Cali Yaroow.

Lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa eriyadda Mr Liibaan oo xilkaan hayey tan iyo 2014-kii kana mid ahaa saraakiisha uu magacaabay Xasan Sheekh Maxamuud waqtigii uu madaxweynaha ahaa.

Magacaabida Mr Dalab ayaa kusoo hagaageysa xilli waddanka uu ku jiro mar-xalad kala guur ah isla markaana aan wali hanaan la isla ogol-yahay kasoo bixin wada-xaajoodyada arrimaha doorashooyinka 2020-21.

Maamulka Farmaajo ayaa wajahaya eedeymo ay kamid yihiin; maleegida qorsheyaal uu ugu shubanayo coddeynta heer Qaran iyo in uu ku fekerayo in uu baarlamaanka kusoo saaro xubno daacad u ah.

Daneeyeyaasha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ayaa ku nuux-nuux-saday ahmiaydda ay leedahay in doorashadda ay noqoto mid loogu dareero hab loo-dhan-yahay laguna wada qanci karo max-suulkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM