Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya
Kampala – Dalka Uganda ayaa martigelinaya shir-madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen dalalka ciidamadoodu ka qaybqaataan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo hoggaamiyeyaasha gobolka ay ka arrinsanayaan mustaqbalka hawlgalka iyo qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya.
Shirka oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa ku furmay kulanka Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee dalalka ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya. Maalinta Khamiista waxaa xigi doona kulanka Wasiirrada Gaashaandhigga, halka Jimcaha ay si rasmi ah u kulmi doonaan Madaxweynayaasha iyo madaxda dowladaha ka qaybgalaya.
Shirka waxaa ka qaybgalaya Soomaaliya, Uganda, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Masar, iyadoo sidoo kale ay goob joog ka yihiin mas’uuliyiin sare oo ka socda Midowga Afrika (AU), Qaramada Midoobay (UN) iyo Urur-goboleedka IGAD.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo garab ka helaya ciidamada AUSSOM iyo saaxiibbada caalamiga ah, ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana la dardargelinayo qorshaha lagu wareejinayo mas’uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliyeed.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya, dib u eegista qorshaha kala-guurka amniga iyo sidii loo sii wadi lahaa taageerada hawlgalka AUSSOM. Shirka ayaa lagu qabanayaa halku-dhigga “Joogtaynta Geeddi-socodka Xasilinta Soomaaliya.”
Wafdiga Midowga Afrika waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, waxaana ku wehliya Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene. Qaramada Midoobay ayaa iyaduna shirka ku metelaysa saraakiil sare oo ka tirsan waaxda nabad-ilaalinta iyo masuuliyiinta howlgalka UN-ka ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Uganda ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonto taageerada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo la kaashanaysa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, IGAD iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah.
Mustaqbalka AUSSOM ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo, maadaama muddo-xileedka rasmiga ah ee hawlgalka uu ku egyahay 31-ka Diseembar 2026. Hoggaamiyeyaasha ayaa la filayaa inay ka doodaan qaabka loo maalgelin doono hawlgalka, awoodda ciidamada iyo qorshaha lagu xaqiijinayo in ciidamada Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay sannadkii la soo dhaafay dib ula wareegeen deegaanno istaraatiiji ah, isla markaana adeegyada aasaasiga ah dib loogu soo celiyay qaar ka mid ah goobihii laga saaray Al-Shabaab.
Shirkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli Turkigu uu sii xoojinayo taageerada amniga iyo diblomaasiyadda ee uu siiyo Soomaaliya. Bishii Luulyo, Ankara waxay martigelisay wadahadallo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin mucaarad ah, kuwaas oo lagu doonayay in lagu yareeyo khilaafaadka siyaasadeed laguna taageero geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Go’aannada laga soo saaro shirka Kampala ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan jihada mustaqbalka ee hawlgalka AUSSOM iyo doorka Midowga Afrika ee taageeridda amniga Soomaaliya. Talooyinka shirka ayaa loo gudbin doonaa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
GAROWE ONLINE