​Hoobiyaal lagu garaacay qaybo kamid ah Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Weerar loo adeegsaday hoobiyaal ayaa Saakay oo Khamiis ah waxa uu ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasimada Soomaaliya.

Ilaa 7 gantaal oo labo kamid ah qarxin ayaa lala beegsaday xaafadda Buulo-xuubey iyo goobo ku dhaw xarunta ay ku shaqeeyaan hay'adaha Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee Xalane.

Wararka ayaa sheegayaan in weerarka loola dan-lahaa Xarunta Xalane, ee ay deganyihiin ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo Garoonka diyaaradaha Muqdushu.

Afhayeenka AMISOM Joe Kibet, oo la xiriiray Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in aysan jirin wax hoobiyaal ah oo ku dhacay gudaha xarunta Xalane.

Joe Kibet wuxuu sheegay inay maqleen warka ku saabsan hoobiyaasha, balse uusan ogayn madaafiic ku dhacday saldhigooda Xalane ama meel ku dhaw.

Qaar kamid ah hoobiyaasha ayaa waxay haleeleen Xaafadda Buulo-Xuubeey, lamana oga Khasaaraha ay geesteen. 

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarkaasi.

Magaalada Muqdishu, ayaa amnigeedu sii xumaanaya xilli la isu diyaarinayo doorashada Madaxtinimo ee dhici doonta dabayaaqada sannadkan 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM