Hoobiyaal lagu garaacey agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Tiro hoobiyaal ah ayaa waxay ku dhaceen saaka nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu, kuwaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.

Hoobiyaasha oo gaareyay 4 ayaa lagu garaacay Xaafadda Danwadaagta ee degmada Wadajir, oo wax ka yar 200 Mitir u jira Garoonka Diyaaradaha, waxaana la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay ugu yaraan 1 qof.

Ciidamada NISA ayaa ku guulaystay inay dileen labo kamid ah kuwa weerarka geestay, iyadoo sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Gaariga laga riday Hoobiyaha, oo ah nooca raaxada ee loo yaqaano CARIB-ka.

Gaariga oo ay saarnaayeen walxaha qarxa ayaa daqiiqado kadib qarxay, mana sababin khasaaro.

Afhayeenka mamaulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane, ayaa u sheegay warfidiyeenka in dagaalyahanada ay rasaas is-waydaarsadeen ciidamada amniga kahor inta aan la toogan.

Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka, oo noqonayo midkiii labaad oo mudo hal Todobaad ah ka fuliyaan nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdishu, oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

Weerarkii hore waxaa ku geeriyootay afar ruux oo shacab ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM