Hoobiyaal lagu weeraray Saldhiga AMISOM ee Xalane

Image

Muqdisho:

MUQDISHO, Somalia- Weerar Hoobiyaal loo adeegsaday ayaa Maanta oo Khamiis ah Barqadii lagu qaadey Xarunta Xalane, oo ah Saldhigga ugu wayn ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM kuleeyihiin caasumadda dalka.

Sida Sarkaal katirsan ciidamada Booliska Somalia, oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, uu GO u xaqiijiyay Saddex Hoobiye ayaa ku dhacday nawaaxiga Irida laga galo Saldhigga AMISOM ee Xalane.

Wuxuu sheegay Sarkaalka in Hoobiyaasha ay cabsi xooggan ku abuureen dadka deggan Hareeraha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, oo kaabiga ku hayo Saldhiga Xalane, ee la weeraray.

"Waxay ahaayeen 4 Hoobiye, saddex waxay u gudbeen dhanka Xalane, midna wuxuu ku dhacay Xaafada Danwadaagta oo Hal Qof oo Dumar ah ayuuna ku dhaawacay," Ayuu yiri Qof deggan agagaarka Xalane.

AMISOM kama aysan hadlin Weerarka Hoobiyaasha ah ee lagu weeraray Xaruuntooda Xalane. Ma jirto Cid sheegatay Mas'uuliyada Madaafiicda, balse waxay qeyb ka yihiin Weerarada ka dhacaya Muqdisho.

Labo Maalmooda kahor, tiro Hoobiyaal ah ayaa ku dhacay Xaafadda 15-May, oo ku dhaw Qasriga Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho, waxaana ku dhintay Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM