Hoobiyaal lagu weeraray Saldhiga AMISOM ee Xalane

Image

Muqdisho:

MUQDISHO, Somalia- Weerar Hoobiyaal loo adeegsaday ayaa Maanta oo Khamiis ah Barqadii lagu qaadey Xarunta Xalane, oo ah Saldhigga ugu wayn ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM kuleeyihiin caasumadda dalka.

Sida Sarkaal katirsan ciidamada Booliska Somalia, oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, uu GO u xaqiijiyay Saddex Hoobiye ayaa ku dhacday nawaaxiga Irida laga galo Saldhigga AMISOM ee Xalane.

Wuxuu sheegay Sarkaalka in Hoobiyaasha ay cabsi xooggan ku abuureen dadka deggan Hareeraha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, oo kaabiga ku hayo Saldhiga Xalane, ee la weeraray.

"Waxay ahaayeen 4 Hoobiye, saddex waxay u gudbeen dhanka Xalane, midna wuxuu ku dhacay Xaafada Danwadaagta oo Hal Qof oo Dumar ah ayuuna ku dhaawacay," Ayuu yiri Qof deggan agagaarka Xalane.

AMISOM kama aysan hadlin Weerarka Hoobiyaasha ah ee lagu weeraray Xaruuntooda Xalane. Ma jirto Cid sheegatay Mas'uuliyada Madaafiicda, balse waxay qeyb ka yihiin Weerarada ka dhacaya Muqdisho.

Labo Maalmooda kahor, tiro Hoobiyaal ah ayaa ku dhacay Xaafadda 15-May, oo ku dhaw Qasriga Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho, waxaana ku dhintay Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM