Hoobiyeyaal lagu weeraray Madaxtooyada maamulka HirShabelle

Image
Xalay ayay ahayd markii weerar bambaabo oo lagu qaadey guri ay degan yihiin Xildhibaano.

JOWHAR, HirShabelle - Tirro hoobiyeyaal ah ayaa lagu waramay in caawa ay ku dhacdey agagaarka iyo gidaarka Madaxtooyadda maamulka HirShabelle ee magaaladda caasimadda ah ee Jowhar.

Illo dhanka amniga ah ayaa u sheegay Garowe Onlin in madaafiic kale ay ku dhaceen nawaaxiga xarunta hay'adda UNISEF, Dugsiga Sheekh Xanafi iyo goobo kale oo loo maleynayo in ay shacab degan yihiin.

"Maadaama xilli habeen tahay si dhab ah looma tirokoobi karo khasaaraha dhabta ah. Balse, waxay u badan tahay in ay waxyeelo jirto," ayuu ku daray sarkaalka oo ka gaabsadey adeegsiga magaciisa.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyada falkaas. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada xagjirka ah ee Al-Qaacida.

Xalay ayay ahayd markii weerar bambaabo oo lagu qaadey guri ay degan yihiin Xildhibaano ay ku dhaawacmeen illaa saddex mudane kuwaasoo mid kamid ah uu dhaawaciisu ahaa mid aad uu u daran yahay.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in magacyadda mudaneyaasha ay kala yihiin; Dubane Faarax Cali, Aadan Maxamed Muuse, iyo Cismaan Cabdullaahi Dhoore.

Aaga weerarka ka dhacay ayaa ah goob ay degan yihiin musharaxiinta u taagan xubinimada Aqalka Sare baarlamaanka federaalka 11aad ee meteleysa HirShabelle afarta [4] sano ee nagu soo beegan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM