Hoobiyeyaal lagu weeraray Madaxtooyada maamulka HirShabelle

Image
Xalay ayay ahayd markii weerar bambaabo oo lagu qaadey guri ay degan yihiin Xildhibaano.

JOWHAR, HirShabelle - Tirro hoobiyeyaal ah ayaa lagu waramay in caawa ay ku dhacdey agagaarka iyo gidaarka Madaxtooyadda maamulka HirShabelle ee magaaladda caasimadda ah ee Jowhar.

Illo dhanka amniga ah ayaa u sheegay Garowe Onlin in madaafiic kale ay ku dhaceen nawaaxiga xarunta hay'adda UNISEF, Dugsiga Sheekh Xanafi iyo goobo kale oo loo maleynayo in ay shacab degan yihiin.

"Maadaama xilli habeen tahay si dhab ah looma tirokoobi karo khasaaraha dhabta ah. Balse, waxay u badan tahay in ay waxyeelo jirto," ayuu ku daray sarkaalka oo ka gaabsadey adeegsiga magaciisa.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyada falkaas. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada xagjirka ah ee Al-Qaacida.

Xalay ayay ahayd markii weerar bambaabo oo lagu qaadey guri ay degan yihiin Xildhibaano ay ku dhaawacmeen illaa saddex mudane kuwaasoo mid kamid ah uu dhaawaciisu ahaa mid aad uu u daran yahay.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in magacyadda mudaneyaasha ay kala yihiin; Dubane Faarax Cali, Aadan Maxamed Muuse, iyo Cismaan Cabdullaahi Dhoore.

Aaga weerarka ka dhacay ayaa ah goob ay degan yihiin musharaxiinta u taagan xubinimada Aqalka Sare baarlamaanka federaalka 11aad ee meteleysa HirShabelle afarta [4] sano ee nagu soo beegan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM