Hoobiyeyaal lagu weeraray xeradda Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar ayaa waxay sheegayaanin Arbacada maanta ah weerar loo adeegsaday madaafiic lagu qaadey xerada Xalane ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa aalaaba looga bartay ficiladda noocaan ah oo ka dhaca caasimadda.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo kusoo hagaagay xilli qorshuhu yahay in Muqdisho uu dhowaan shir ku dhexmaro madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale, wuxuu weerarkan imaanayaa xilli ciidamo horudhac u ah wafdiga madaxweynaha Jubaland ay maanta kasoo dageen garoonka Muqdisho, dhigiisa Puntland kusoo wajahan yahay.

"Illaa shan ama lix madfac ah ayaa kusoo dhacdey Xalane oo qeyb ka ah xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde," ayuu yiri qof ku sugan madaarka oo la hadlay Garowe Online.

Xerada Xalane ayaa ah fariisinka ugu weyn ee diblumaasiyiinta wadamada caalamka u jooga Muqdisho, waxaana ay halkaas u degan yihiin sababo dhanka ammaankooda ah.

Shirka dhexmaraya dowladda federaalka iyo maamuladda oo xal loogu goobayo is-faham-waaga dhanka doorashooyinka ayaa ku qabsoomayo Teendhadda Afasiyooni.

Teendhadaas oo loo xushay sababo dhanka ammaanka ah oo ka qeybgaleyaasha qaarkood muujiyeen waxay kamid tahay xeyndaabka Xalane waxaana amnigeeda suga AMISOM.

Bishii April 26-keeda sanadkii lasoo dhaafay 2020 ayay ahayd markii Al-Shabaab ay madaafiic ku garaacdey Xalane. Wararku waxay xusayaan in madaafiicda ku dhaceen guryo rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM