Hooyada Ikraan Tahliil oo dalab cusub u dirtey Farmaajo

Image
Hay'adaha garsoorka ayay ka codsatay in ay dedejiyaan maxkamadeynta qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa Isniinta maanta ah waxay mar kale fariin u dirtey madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhammaadey Maxamed Farmaajo.

Qaali Maxamed Guhaad oo kasoo muuqatay kulan ka dhacay caasimada Muqdisho ayaa ugu baaqdey Farmaajo "in uu kasoo saaro gabadheyda meesha ay ku jirto ee uu og-yahay".

Iyada oo hadalkeeda sii wadata, Qaali ayaa cod dheer waxay ugu tartarsiisay Farmaajo in uusan siyaasadeyn kiiskan maadaama uu hadda wajahayo eedeymo ah in uu cadaaladda is-hor-taagan yahay.

"Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan leeyahay arrinta gabadheyda ha siyaasadeyn. Gabadheyda maanta hadaad hayso berri ma haysaneysid. Waxaan leeyahay maalinta qiyaamo waa lagu su'aalayaa adiga oo taagyar gabadheyda iiga soo saar meesha ay ku jirto oo aad og-tahay," ayay hadalkeeda kusii dartey hooyo Qaali.

Hay'adaha garsoorka dalka gaar ahaan maxkamada galka haysa ayay cod dheer uga dalbatay in ay sii dhaqaajiyaan gal-dacwadeedkan "soona dedejiyaan natijadda cadaaladda ah ee aan ka sugayno".

Ku dhowaad saddex bilood ayay maqan tahay Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay'adda sirdoonka Soomaaliya isla markaana ka haysay jago ah madaxa ammaanka internet-ka.

Hogaanka dalka ayaa ku kala qeybsamay qaabka loo maareynayo qadiyadan kadib markii hay'adda mukhaabaraadku shaacisay in ay dishay Al-Shabaab balse qoyskeedu ku qanci waayeen arrintaas.

Xiisada ka dhalatay shaacintaas ayaa cirka isku sii shareertay waxaana ay halis gelisay doorashooyinka ka bilowday dalka iyadda oo Villa Soomaaliya lagu eedeeyay in ay siyaasadeyneyso baaritaanka kiiskan.

Hogaanka hay'adda sirdoonka qaranka ayaa ah dadka ugu badan ee tuhunka hareeyay. Farmaajo waxaa lagu dhaleeceeyay in uu xasaanad siiyey shaqsiyaadka laga shakisan yahay oo uu ku jiro Fahad Yaasiin.

Fahad oo ahaa madaxii hay'adda sirdoonka qaranka uuna Farmaajo ka dhigay lataliyaha amniga qaranka markii shaqo uu ku sameeyay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa ku jira dadka  dacwada laga gudbiyey. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykanka oo kordhinaya joogitaankooda Soomaaliya 

Pete Hegseth, oo ah Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, ayaa ka hadlay suuragalnimada in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2025

  • 12:19PM

Hogaamiye Daacish oo Soomaaliya ka qorsheynayay weerarada Mareykanka iyo Yurub oo la dilay

Mareykanka ayaa si dhow ula shaqeynaya ciidamada Puntland si loo qabsado xubnaha ISIS ee ku sugan gobolka Bari.

  • Soomaliya

    12-02-2025

  • 08:13AM