Hooyo umul ahayd iyo cunugeeda oo qarax lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inta la xaqiijiyey shan qof oo kala ah haweenay iyo cunugeeda oo laba bilood dhalnaa si lamid ah saddex kale oo rag ah ayaa ku naf-waayey qarax xalay maqribkii ku qabsaday gobolka Jubada Hoose.

Sidda ay Garowe Online u sheegeen illo dhanka amniga ah, qaraxa miinada ayaa gaariga taksi oo ay saarnaayeen dadkaas shacabka ah kula kacdey wadada isku xirta Qooqaani iyo Dhoobley ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Rayidkaas ku dhintay weerarkaas ayaa ka tegay degaanka Qooqaani waxayna kusii jeedeen magaaladda xadka waddanka Kenya ku dhow ee Dhoobley.

Maxamed Xasan Uleex, gudoomiyaha Dhoobley oo Al-Shabaab ku eedeeyay qaraxa, ayaa tacsi u diray eheladda iyo asxaabta marxuumiinta.

Mr Uleex oo wareysi bixiyey isaga oo Dhoobley ku sugan ayaa tibaaxay in ay baaritaan ku bilaabeen qaraxa marxuumiintana la aasayo maanta.

"Ma jirin wax ciidan ah oo saarnaa gaariga mana jirin wax kolanyo ah oo meeshaas mareysay. Waxay qeyb ka tahay dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayso dadka shacabka ah. Ilaahey waxaan ka baryeynaa in uu dadka dhibkaas geysanaya uu soo geliyo gacanta dowladda," ayuu u sheegay Idaacadda VOA.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, degaanadda Jubbooyinka waxaa ku xoogan maleyshiyada Al-Shabaab.

Dhowr jeer ayay horey u dhacdey in gaari ay shacab saarnaayeen la kacdo miino halkaasna uu kasoo gaaro khasaaro naf iyo maalba leh. Dhacdooyinka noocaas ah waxaa aalaaba loo aaneeyaa in qaraxa lala damacsanaa ciidanka amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM