Horjooge Al Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Image

AWDHEEGLE, Somalia -- Afhayeenka ciidamada AMISOM Joe Kibet ayaa sheegay in ay dileen mid kamid ah horjoogiyaasha Kooxda Al shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen iyaga iyo ciidamada dowladda Somalia gobolka Shabeellaha Hoose. 

Joe Kibet wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay howlgal ka fuliyeen Shalay galab degmada Awdheegle, islamarkaana ay dileen Maxa'ed Xasan oo ahaa horjooge Al Shabaab. 

Afhayeenka AMISOM wuxuu kaloo xusay in Maxa'ed Xasan oo ahaa madaxa howlgalada Kooxda Al shabaab, ee degmada Awdheegle uu ku dhintay dagaal dhexmaray Al shabaab iyo ciidamadooda. 

Howlgal ka dhan ah kooxda Al Shabaab  ayaa mudooyinkan ka socdo deegaano iyo degmooyin ku yaallo gobolka Shabeellaha hoose, ee koonfurta Somalia, sida oo sheegay Joe Kibet. 

Kooxda Al Shabaab ayaa lumisay dhowr magaalo oo muhiim u ahayd wixii ka danbeeyay 2011, balse waxay wali fulinaysaa weeraro ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM