Horjooge Al Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Image

AWDHEEGLE, Somalia -- Afhayeenka ciidamada AMISOM Joe Kibet ayaa sheegay in ay dileen mid kamid ah horjoogiyaasha Kooxda Al shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen iyaga iyo ciidamada dowladda Somalia gobolka Shabeellaha Hoose. 

Joe Kibet wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay howlgal ka fuliyeen Shalay galab degmada Awdheegle, islamarkaana ay dileen Maxa'ed Xasan oo ahaa horjooge Al Shabaab. 

Afhayeenka AMISOM wuxuu kaloo xusay in Maxa'ed Xasan oo ahaa madaxa howlgalada Kooxda Al shabaab, ee degmada Awdheegle uu ku dhintay dagaal dhexmaray Al shabaab iyo ciidamadooda. 

Howlgal ka dhan ah kooxda Al Shabaab  ayaa mudooyinkan ka socdo deegaano iyo degmooyin ku yaallo gobolka Shabeellaha hoose, ee koonfurta Somalia, sida oo sheegay Joe Kibet. 

Kooxda Al Shabaab ayaa lumisay dhowr magaalo oo muhiim u ahayd wixii ka danbeeyay 2011, balse waxay wali fulinaysaa weeraro ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM