Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo iska dhiibay Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Cali Ibraahim oo la sheegay in uu muddo dheer ahaa madaxii caafimaadka gobolka Galgaduud ee AlShabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Federaalka ah.

Ibraahim ayaa lagu waramay in uu isku gacan-geliyey cutubyadda xoogga dalka ee ku sugan degaanada hoostaga Dhuusamareeb kuwaasoo lasoo wariyey in ay soo dhaweyn diiran u sameeyeen.

Sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, Ibraahim ayaa wuxuu "ku qanci waayay dhibaatada iyo gumaadka ay kooxdani ku heyso shacabka Soomaaliyeed".

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan goosashadan oo illaa haatan kasoo baxdey dhanka maleyshiyada Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Gobolada Galmudug waxaa ka soconaya guluf ballaaran oo maleyshiyada Al-Shabaab ka dhan ah taas oo ay iska kaashanayaan ciidamadda heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedka hoostaga.

Dagaalo qaraar oo horseeday khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa dhexmaray labada dhinac. Balse, ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta waxyeeladda dhabta ah ee daraf walba soo gaartey.

Dowladda Puntland ayaa todobaadkan ku taageertay dhigeeda Galmudug gaadiid ciidan kadib markii mas'uuliyiin ka kala tirsan labada dhinac ay isla meeldhigeen iskaashi kadib shir ka dhacay Gaalkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM