Howlgal walxaha qarxa lagu qabtay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay xalay fuliyeen howlgal gaar ah oo ka dhacay xaafado ku yaalla waqooyiga magaalada Muqdisho.

Saraakiisha amniga dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay degmada Kaaraan waxaana lagu soo qabtay tiro dhalinyaro ah oo looga shakiyay inay kamid yihiin Al Shabaab iyo waxyaabaha qarxa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in howlgalka uu billowday xalay fiidkii, iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsaday dhowr guri oo loo soo farmuuqay ciidamada oo lagu diyaarinayay falal ka dhan ah amniga.

Hay'adaha amaanka wali ma aysan shaacin tirada dadka ay soo qabteen iyo nooca waxyaabaha qarxa ee lagu soo qabtay howlgalka, balse waxay tilmaameen in eedaysaniyaasha ay ku hayaan baaritaan.

Ciidamada xasililinta ayaa si joogta ah howlgallo xilliga habeenkii ah uga fuliya magaalada, taasoo hoos u dhigtay dilalkii badnaa iyoo weeraradii kale ee Kooxda Al Shabaab ka fulin jireen Caasimadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM