Howlgal Al-Shabaab xubno badan looga dilay oo ka dhacay Shabeellaah Hoose

Image

QORYOOLEY, Soomaaliya - Sarkaal katirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in 35 xubnood oo katirsanaa Al Shabaab lagu dilay howlgal ciidan oo ka dhacay degmada Qoryooley, oo 120-KM dhanka waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

Cabdi Axmed oo ah ku xigeenka gudoomiyaha Qoryooley, ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMOSOM iska caabiyeen weerar Al Shabaab kusoo qaadey saldhigyadooda, islamarkaana khasaaro ku gaarsiiyeen dagaal dhexmaray.

Hal Askari oo Soomaali ah ayaa ku dhintay, labo kalena way ku dhaawacmeen iska hor-imaadka kaasoo ahaa mid culus oo khasaarooyin kala duwan labada dhinac kasoo kala gaarey, sida uu tilmaamay Cabdi Axmed.

"Waxaan helnay xog sirdoon oo ah in argagaxisada qorsheynaysaan weerar ay nagu soo qaadaan, kadibna si aad ah ayaan ugu diyaar garownay duulaanka, waana ku jebinay, iyadoo laga dilay 35 dagaalyahan," ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Qoryooley.

Al Shabaab wali kama aysan hadlin weerarka Qoryooley iyo sheegashada mas'uulkan. Degmada Qoryoleey ayaa tan iyo markii ay gashay gacanta dowladda 2014, ayaa waxaa ka dhacayay weeraro joogto ah, oo Al Shabaab kusoo qaadeysay.

Laakiin, waxay kooxdan sheegatay inay weerar hoobiye-yaal ah ay ku qaadey saldhigyo military oo ku yaalla duleedka degmada Baraawe, isla gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo aysan sheegin khasaarha ka dhashay.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM